geeri baa rafiiq la
ruuxdiyo nafteenu
rasmi weeyi dhimashadu
yay ku ridan dunuubtiye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

sadaqaa ku raaciye
ruux saboola iyo daris
rixinkaaga gacan si
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

intaad raadi leedahay
rubi lacag iyo maal
aaya hoose raxan raad
yay ku ridan dunuubtiye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

inta qoom la rogayee
laga raray aduunyada
ka raarida naftiinoo
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

waa rug laga hayaamoo
ifku raasamaaliyo
raaxiyo wanaag ma leh
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

imisaa qof lagu rogay
shalay iilka lagu riday
ruuxaad nolol ku kulanteen
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

inta raranka jahanama
ku rafaaday aakhiro
rabiyoow hanaga dhigin
yay ku ridan duuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

Exit mobile version