Heesta Qorshe - Lyrics
Intay niyadu qalan tahay
Qalbi dhaawac kuu yahay
Qoomamada kalgacal kuna
ii tahay wax ii qoran, qoran
Qirashada jaceyl kiyo
Waxaan uurku qabinoo
Aan qeexeyn xaqiiqada
Iyo qosolka beentaa
Naftu kuma qanceysoo
Jidhku Kuma qaboobee
Bal qiyaas jaceylkan
Quwadeydii lumiyoo
Waxaaan waxaaan
Waxaan kaaga quustoo
Kuu qorsheysan ii sheeg
Intay taladu quman tahay
Qoys xalaalii dhisan yahay
Qamuunyada dareenkana
Aan ahay mid kuu qaba, qaba
Qeybsashada wanaagiyo
Qof jaceyl ku baaqoo
Kugu qiimeeya aayahaa
Iyo qadarka dookhaa
Qushi lama yidhaahdoo
Nafsi lagama qaateee
Bal qiyaas jaceylkan
Quwadeydii lumiyoo
Waxaaan waxaaan
Waxaan kaaga quustoo
Kuu qorsheysan ii sheeg
Lyrics by Dayur Omar Hagi