saxbaan u arkaa dhe
xor baan ka salguurin
samaantiyo xeekay
sinjiga u lahayde
anoon ku sigsaagin
hadaad i saluugto
rajada samirkeeda
waxaan sugi maalin

anoon saldhigiisa
siyaarin jacaylka
sirtiisa helaaye
in geeli ku soofo
sidka dhalay ruuxa
sibraar ugu heesa
malaha sumadiisa
sarifo kalgacaylkan
siyaado ku raacday
sagaal tobonkiiba
anoon ku sigsaagin
hadaad i saluugto
rajada samirkeeda
waxaan sugi maalin

Exit mobile version