Heesta Sahraay - Lyrics
Sahraay aduunyada
Ninka hela adoo kale
Anfac kale ma doonee
Ma ogtahay ayaan dhalad
Sida roob aroor da'ay
Noolahu ugu ildoogsado
Ilayskaaga nuurkaa
Bi'inaayo oonkee
Waxaa tahay ildheer araga
Aabe iyo hooyaba
Asalkoodi wadatoo
Edeb lagu kacaanshe
Uurka iyo qalbiga iyo
Indhahaygu adigay
Ku ildoogsadaanooy
Aragaada jecelyihiin
Been ma ahan awaliyo
Afka oo kaliya Ma ahaee
Waaa jacayl sidii ubax
ka abuurmay beerkee
Waxaa tahay ildheer araga
Aabe iyo hooyaba
Asalkoodi wadatoo
Edeb lagu kacaanshe