Heesta Saldhigii nabadaay - Lyrics
saldhigii nabadaay jabuutay
salaan wayn naga gdoon jabuutay
surimada ganacsigaa aduunkaa
sabada u balaadhanee
maraakiibtu soo martaay
salaan wayn naga gudoon jabuutay
saxada hawadaada wacan
samayskiyo buurahaaga
macdantu saarsaaran tahay
intuba waa saamiyo
sad aad dheer tahay aduunka
saldhigii nabadaay jabuutaay
salaan wayn naga gudoon
sinjiga aan wadaagna iyo
sawraca dhalasha iyo
afkaan si wayn ugu diirsanaa
xeertii sirta iyo
hidaha soyaalka dhaqameed hraa
marnaba kaa salguurinoo
sumcada reer jabuutibaan
si wayn ugu diirsanaa
siyaasigaad dooratee
sinaan bulshada ku hagaan
si wayn ugu diirsanaa
sawjada madaxweynaheenu
samahay noo muujisaan
si wayn ugu diirsanaa