Heesta Saqdhexe - Lyrics
saqdhexe milay galin damboo
seexday nooluhu
sidii saxan saxada roob
soo hiraay
intuu salawgii dhulkiyo
maydhay siigtii
xareed sabada dhigay
saydhay neecaw
subaxdii caradoo udgoon
cadceedi usoo baxday
falaadho siraadmiyo
intay ku salaantay nuur
dharabka sudhan laamaha
salaxyada biyo walalacyeeyay
bidhaanta isa siinayaan
sida loogu farxee
sanku neefle dhamaan
farxadaa u sugaan
ana kuugu samraa
saldhigaa noloshaa ku xidhan
deeqda samadoo
sareedada iyo nimcada
saatir baa leh
markay sararada biyuhu
buux saloogtaan
ee ay sabada dhigaan
ilaa salka ciide
dhulkana soo saaro dheef
subantana doogu qabsado
dhirtana saameelo ubax
shan iyo sodon midab lahoo
barwaaqada saxar la,aan
naflaha saameysa ee
abaar laga sabato baxo
sida loogu farxee
sanku nneefle dhamaan
farxadaa u sugaan
ana kuugu samraa