Taariikhdu waa buug
Taxanaha bad lagu quro
Haddaan tabiyo caashaqu
Tabtuu aniga ii helay
Aadmigaa la tacajabin

Naftuu waxay tiraahdaa
Markuu tabbo galo jacaylku
Oo uu gaaray toddobaad
Ma u tiiraanyo reeb

Togiyo moowjaddii ku qaaaday
Hawl yari loogama tallaabee
Markaad talo meel dhigayso
Tabkana waligaa ku hayso
Ineey tii allana hor taallooo

Waa tiri kalsoonidu
Lammanuhu u tiigsado
Mar haddii tabaaliyo
Taws laga ilaashana
Tacabkiisu waa guul

Hibooy rajadaan tusmaystee
Hankaygu tabaabusheeystay
Xalkeedii aad tuurtay huunnoo
Sideen uga tiraa boggayga

Togiyo moowjaddii kuqaaday
Hawl yari loogama tallaabee
Markaad talo meel dhigayso
Tabkana waligaa ku hayso
Ineey tii allana hortaalloo

Exit mobile version