weedhaha xiisaha kalgacal
xoodaamiya laabta ee
xusuus ugu soo noq noqan
xuquuda jacaylku heedhe
xiskayga ku dhawrsanaa
xagayga qofkii ku wayn
inaan xuso goor kastaba
qalbigu ku xujaysanaa
xikmada hadalkaygu waa
xariir baad tahay cambaro
xumaani ka dheertahoo
waxaa dadka iigu xiga
qofkii ku xidhiidhiyee
xogtaada wanaagsan sida

xoolahaa urta isu gartee
dadkuna is xaqdhawrka iyo
xurmay isku waafaqaan
midaan kalgacayl xora iyo
xaqiiq isu aaminaay
inaan ku xafido jacayla
niyadaa ku xasisha agtaada
xabiibi kuu nuguliyaa
xikmada hadalkaygu waa
xariir baa tahay cambaro
xumaani ka dheertahoo
waxaa dadka iigu xiga
qofkii ku xiriiriyee
xogtaada wanaagsan sida

Exit mobile version