Ubaxoo dilaacaay
Dawadii nafteeydaay
Haween taan ka doortaay
Sida dayaxa nuuraay
Habeen Dadan hilaaceey
Waqalkii daruurtaay
Darmaantaan jeclaayeey
Heedhe waan ku dirayaa
Dagmadaan ku gaadhsiin
Waa laguu dabaaldagi
Durbaanaa laguu tumi
(Chorus)
Waxaa iga dardaaran ah
Duco duug ma noqotee
Doog iyo dareemadu
Quraxduna dalaalimo
Dadku aabahaa iyo
Deeqay hooyadaa noqoy
Ha daganee hooy dadoow
Ma hungoowdo daacadee
Ku dagaali maayaan
Kula doodi maayaan
Kuna dayrin maayaan
Geelu waa ku dararaa
Arigu waa ka daranyahay
Caanahaa durduroo
Dhax dabaalan doontaa
Dabad baa laguu lisi
Doqon yaan laguugu odhan
Dudma yaan lagaa garan
Awrta dabarka la ogoow
(Chorus)
Degelada dushoodiyo
Degmadaad u yara bixi
Durdadaad mar soo mari
Dhulka daawan doontaa
Danta lagama boodee
Waxaa jira ?
Kuwa diradiraalee
Daf ku soo yidhaahdaan
Wa inaad ka durugdaa
Ayan la isku keeyn dirin
Nacab yuu inakala galin
Waxaa iga dardaaran ah
Duco duug ma noqotee
Doog iyo dareemadu
Quraxduna dalaalimo
Dadku aabahaa iyo
Deeqeey hoodaa noqoy
Hadaganee hooy dadoow
Ma hungoowdo daacadee
Codsi by : M Deeq