VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jaaheeda - Lyrics

Jimicsagay talaabada Hadba baad u qaadiyo Joogsigaa hanaanka leh Goortay jalaq ka siisaa Waa intaan ku jecelee Aha Aha Aha.. 2X Joogahaa maqan baan ahee Maqanaha joogaan ahee Aha Aha Aha.. 2X Jirid weynta geedaha Halkuu jidib u jabiyaa Anigana jacaylkii Dhidhka ii dhex qaadayoo Jeex igama joogee Aha Aha Aha.. 2X Jaaheeda nuurka leh Ba i jiidanaayee Juuq uma idhaahdeen Hadaan jari karayee Aha Aha Aha.. 2X Joogaha maqan baan ahee Maqanaha joogaan ahee Aha Aha Aha.. 2X Jixiimiyo jacaylkaa Jahannama ka kululoo Ruux jaliil ku beeraa Nolol kala jaciirtoo Ifka joogi maayee Aha Aha Aha.. 2X Jaaheeda nuurka leh Ba i jiidanaayee Juuq uma idhaahdeen Hadaan jari karayee Aha Aha Aha.. 2X Joogaha maqan baan ahee Maqanaha joogaan ahee Aha Aha Aha.. 2X
Queue is empty
-- / --