Daahdahoo aroortii
adaa doogsanaayo
meel roob dibnaha dhigey
dhirtu digil madow tahay
adaa daawanaayoo
kalidaa dakeeyee
inta haad duushiyo
shimbiraha la darisee
caashaq igu daleelsadey
warqadaan ku daabacey
doodeeda iga qaad
deeqow waxad tidhaahdaa
inankii dayowyoo
ma xasuusto dunidee
waa adi daradaa
dakharkiisa caashaqa
waxa uu la doogtee
mar un soo calool dabac
Daahdahoo aroortii
Deeqdii ilaahey
adaa doonanaayoo
cidi daarad kugu hayn
meeshii il-doogleh
adigaa u deexdee
waxa kastoo lagu diro
deeqsiiye hadalkee
Caashaq igu daleelsadey
Warqadaan ku daabacey
doodeeda iga qaad
deeqow waxaad tidhaahdaa
inankii dayowyoo
ma xasuusto dunidee
waa adi daradaa
dakharkiisa caashaqa
waxa uu la doogtee
mar un soo calool dabac