VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Emello - Lyrics

Cirkoo da,ay ciidoo nugul Ciidoon biyaha liqin Calcalyada xareedoo Ceegaato gudumada 2× Shimbiruhu cod iyo luuq Jiibta isku celiyaan Shimbiruhu cod iyo luuq Jiibta isku celiyaan Cararaa shabeelkiyo Cawshu is weheshadaa Oon cuudi islaameed Cabsi looga qabin bahal 2× Cimilada qurxoon Inagoo ku ciidnaa Caqligu ii sawirayaa 2× Cirkoo da,ay carada nugul Ciin wada cagaar loo Ubax baar casuusliyoo Caleemuhu is gaadheen 2× Jawi caafimaad loo Carshi iyo xanuun jiree Jawi caafimaad loo Carshi iyo xanuun jiree Madiixaga sare u wadoo Culimadu ka rogayaan Oo caamo iyo sheekh Carafkooda la aqbalo 2× Cimilada qurxoon Inagoo ku ciidnaa Caqligu ii sawirayaa 4×
Queue is empty
-- / --