VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Alla Dheeridaayeey - Lyrics

Jacayl waa dhimbila o Waa dhamac la shidayoo Ku dhalaalinaayee Dhibyaraantu igu helay Ma dhadhamiyo oontoo Adaa dhayaaya nabarada Dhakhtradu ka quusteen Alla dheeridaayey Jabuuti miyaand ku nooleyd Ma dhadhaabo culus baa Ina kala dhexyaaloo Soo dhaafi la'dahay Sida dhool gu'yoo da'ay Ama dheeman lacageed Ayaad ii dhalaashaa Qof sidaadan loo dhigay Dhabar laguma qaadine Qalbigaad ku dhigan tahaye Rabow aanad hortay dhiman Qalbigaad ku dhigan tahaye Miyaan kaa dhargaayaa Alla dheeridaayey Jabuuti miyaanad ku noolayn Ma dhadhaabo culus baa Ina kala dhexyaaloo Soo dhaafi la'dahay?
Queue is empty
-- / --