Heesta Nafteydaay - Lyrics
Naftaydaan tukaan ku iri
Salaadda tag baan ku iri
Tawxiidkaa lagu hodmaa
Tasbiiixda badsaan ku iri
Nabadda waa lagu tarmaa
Turxaan kajir baan ku iri
Talana lama toosiyee
Ha tabannin baan ku iri
Turuqa maal baan ku iri
Ha tuugin dadkaan ku iri
Tiskii aad meel dhigtaba
Taariikhdaa lagu qoraa
Adduunyada tawbad xumo
Hakaga tegin baan ku iri
Ilaahay talada saaroo
Diintiisana taaba geli
Naftaydaan tabcaan ku iri
Samaha tiirsaan ku iri
Waqtigu yuu kaa teginee
Ayaama tiirsaan ku iri
Tallaabada weersaniyo
Xumaha tuur baan ku iri
Waxaan tamar lagu helayn
Ha tiigsannin baan ku iri
Tusaalaha dhaqanka fiican
Tilmaan u noqaan ku iri
Tiskii aad meel dhigtaba
Taariikhdaa lagu qoraa
Adduunyada tawbad xumo
Hakaga tegin baan ku iri
Ilaahay talada saaroo
Diintiisana taaba geli.