adigaa farduusaay
aynigaa hablaha kacay
quruxdiyo asluubtiyo
asaagaa ku dhaafoo

amaantaa waxa iska le
halyay aabahaa iyo
aragsan hooyadaa iyo
aqalkaad ku ababtee

hoobeey arooskiinii weeyoo
hobeeya hobeeyaa
hobeey ALLE mahadii weeyo
hobeey fardawsa iyo cabdiyow
hobeey ubad khayr qaba
hobeey EEBE idiinka barinaye

marwa aayatiin loo
saygeed adeecdoo
waxaad tahay aqoontana
ilaahay u dhaliyee

Exit mobile version