Heesta Falaadh caashaq - Lyrics
Falaadhahan caashaqee
Wadnaha lagu foorarshee
Dhiigayga ku faafayee
Fogaadee kor iigu siqay
Anoon filanayn miyay
Feedhaa bidix iga galeen
Cishqigu hoos iila faqay
Fariimaha beerka iyo
Aniga hoos iila faqay
Fariimaha beerka iyo
Maankayga farayoo
Habluhu kala fiicanee
Farxadii noloshayda iyo
Midaan filayaad tahoo
Farxiya adigaa igu wayn
Fadkaa kalgacalka ee
Fiid cawl igu hoorayee
Faraha inyar saarayee
Fadhiistay dhul aan dhawayn
Intuu ku fakaday qalbiga
Miyuu ficil iigu daray
Furaha kuba rogay xiskoo
Fiirso adi leeyahoo
Dhamaan wuu igu fidee