Heesta Rajo - Lyrics
Aduunyadu raagimayso
Riyadu beenoobi mayso
Runtuna qiil waayi mayso
Jacaylku ragaadi maayo
Hadaad uriyaaqi wayday
Qofkan rabo waayi maayo
Hadaan shalay kuu rucleeyay
Hase aad iga roortay maanta
Rajooyin waayi maayo
Jacayl ii yeelay raamo
Haduu irifaayo maantaba
Rarkiisaba qaadi maayo
Markaan ruuney ku doortay
Halkaan raxmad kaa filaayay
Rakaado hadaad bilawday
Rajadu iga guuri mayso
Caqligu iraqiisi maayo
Ala fuqaansiga joojin maayo
Rafiiq tii aan umooday
Haday rako dheer dul fuushay
Anigu raad raadin maayo