qofku jacaylku laaloo
lulayoo jar geeyoo
laalaadiyaan ahay

sida laabta dhabigiyo
labigii sanaag
laas qoray ka baxay

markaad luqunta dheeriyo
laafyaha ka socotee
leexleexinaysaba
la wadaag jacaylkan
ku ladhan naftaydoo
laxawbaan dareemaa

waa loolan guurkuye
sow lahashadaadii
lovekaagu ima barin
inaan laamiyaashiyo
luuqyada wareegoo
jacaylkaaa laasimo

qof jacaylku lulayoo
lagday oo la jiifoo
luuluudayaan ahay

sida roob laxaadloo
laag iyo hadaaftimo
lunbe loogu deeqoo

laydha iyo xareedii
liibaanta EEBAHAY
ku ladnaaday aadmigu

iqbaal luuqadaaydiyo
laxankaaga hadalkuba
laabtay qaboojaan

Exit mobile version