Heesta Geed goble - Lyrics
Dadkii kala gadaan qarsada
Waxbaa ka dhex guuxayee
Gar baan kuu dhiganayaa
Gudoonkuna wa adigee
Gareexo lama doonayee
Garowso waxaan ku dhaho
Nin goba ood gacal tihiin
weliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inuu gurigoo cidla ah
sidii gaalshire fadhiyo
Miyaanan gartaa lahayn
Dardaarankii waad geftee
adoo fasax gaaban tegey
maxaa gebla kaaga xidhan
ma geel baa kuugu dhalay
ma geel baa kuugu dhalay
Adoon gurac iyo canaan
Adoon gacal iyo dhib qabin
Adoon gaajo iyo dhib arag
Anoo guri kuu sharaxay
Gasiinkiina kuu dhexyaala
Hadana gobanimo iyo sharaf
Adiga guudka kaaga xidhay
weliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inaan gurigoo cidla ah
sidii gaalshire fadhiyo
Miyaanan gartaa lahayn
dardaarankii waad geftee
adoo fasax gaaban tegey
maxaa gebla kaaga xidhan
ma geel baa kuugu dhalay
ma geel baa kuugu dhalay
dardaarankii waad geftee
adoo fasax gaaban tegey
maxaa england kaaga xidhan
ma geel baa kuugu dhalay
ma geel baa kuugu dhalay