Arooskii la beeree
Loo wada mashxaradee
Wanaag looogu sacab tumay
Weyne idinka barinayee
Aroos wacan oo wanaagsan
Aroos wacan oo wanaagsan
Weyne idinka barinayee

Laba jacayl wadaagoo
Wadnaha isa siyoo
Kalgacayl is mehershada
Weyne idinka barinayee
Nolol wacan oo wanaagsan
Nolol wacan oo wanaagsan
Weyne idinka barinayee

Ubad waa jirkoodiyo
Caqiin waa mid gudan yohoo
Waleehiinu aydaa
Weyne idinka barinayee
Ubad wacan oo wanaagsan
Ubad wacan oo wanaagsan
Weyne idinka barinayee

Hurigaan wadiiqiyo
Aan lahayn waxyeeloo
Nimco wiir ku dulhaa
Weyne idinka barinayee
Guri wacan oo wanaagsan
Guri wacan oo wanaagsan
Weyne idinka barinayee

Exit mobile version