Heesta Jaleecada - Lyrics
Jaleecad indhaha iyo
Qalbigaa ku jeceloo
Kuu jeelanaa adigee
Mana joojin karayee
2×
Inan kula jalbeebtoo
Jidin kula wadaagoo
Jeesaynu noqonaa
Ku jaan gooyay hadalkee
Ala hadalkee
Ani ma igu jantahay
Kalgacaylkan jidhkiyo
Xididada dul joogsaday
Marna juuqda iga jaray
Haa juuqda iga jarey
Macaaneey jawigaa iska sheekee
2×
Jamashada daraadaa
Jawhar raad la moodye
Jeexayga bidix iyo
Wadnahaad ku jaran tahay
2×
Ubax jaadad wacanoo
Ku jeclaysto abid
Jilibiyo ku yaal hawd hawd
Iyo diir jiidataay jiidataay
Ka jeesan weeyee
2×
Kalgacaylkan jidhkiyo
Xididada dul joogsaday
Marna juuqda iga jaray
Haa juuqda iga jarey
Macaaneey jawigaa iska sheekee
Kalgacaylkan jidhkiyo
Xididada dul joogsaday
Marna juuqda iga jaray
Haa juuqda iga jarey
Huunooy jawigaa iska sheeke