inkasta oo wakhtiga iyo
waayuhu i ciileen
calafkuna wareegoo
walaaleey liibanta qarin
adigaa wadiiqada
la isku waayay suubshoo
waqal meel banaaniyo
iga tagay warduureed
nabsibaa wareeegee
waxaydiyo dhibtaan maray
waynaheen ku moogee

inkastoo kab waaniyo
iga gurtay walwal
wafdi caashaq baa yidhi
u waydaro meel kale
ana waxaaba ila wayn
ku abuurn waaxyaha
marbaad dubac ka noqoniye
samiroo ha wayrixin
nabsibaa wareeegee
waxaydiyo dhibtaan maray
waynaheen ku moogee

Exit mobile version