Heesta Hibo - Lyrics
jacaylku ma hawl yara oo qofkuu helo waa u halisoo
naftana hadimuu badaa
hadaan cidi kuu ogayn hoheey hibasho iyo ciil
hantaaquu kugu dilaa hurdada iimaba ogola
hamuumtiyo gaajadiyo haraadku wax iima dhibo
hibooy adigaan qalbiga had iyo goor kugu hayaaye
sidii hodan ha igu noqon
jacaylku waa sidii hawoo hintaaquu kugu dilaa
hawl iyo humaagbuu wataa
hagaagiyo hawsha wacan si wayn aan u hiigsanee
halkeedii hore u daa