sida waqal daruureed
ama sagalka waabari
walacdooda quruxda leh

adigoo war iga ahayn
naftu kula walaashee
wehel ma iska dhiganaa

wacad ma isu qaadnaa
wiirada haweenkiyo
wadhida ma isu didinaa

waydiinta sheekada
wadabaa isu gayee
wax miyaad ku leedahay

sidaa geesi wayraxay
ama weedho dhiidhiyay
cadhadooda wabaxaa

sow wabiga caashaqu
waayadaaba ima sido
ma cidbaan ka weecdaa

wadnahaad ku taalaa
waxaan kuu wacdinayaa
waanwaanta noloshee

Exit mobile version