VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylkaan - Lyrics

noloshu waa wada qordoofyo qaxar laga waaayi maayo jaceylkana qulub ma seego markuu calaf qiil ka waayo jaceylkan wada quweynay quweynay qiil uyeelnay qolfooftiyo guuxda hoose dareenka ku quudinaynay sidii qoyskiinu yeelay kumuu noqon tacab khasare qofaan qalbigaagu raacin hadii qasab lagugu siiyey adigu qalad ha isa saarin ileen sidan baa qorneyde shalay riyadaan qorsheyney oo deyney wada asteyney haduu ka adkaaday qaybku oo ay qabyo noqotay maanta sidani qadar bay ahayde indhaha haka qarin xaqiiqda ilamna ha uqubin xasuusta qabweyne kuwaajah xaaladaha aan qosol lagaa filanaynin ha filan qandhadiyo xanuunka inaan qol madow la jiifo ha filan nabdigayga qayb yar inaan naxli kuugu qaaday ha filan qof dad kaa jeclaaday inaad qoortiisa goysay ha filan inay qoonhi gaadhay qadarin baan kuu hayaaye rajaynin qum qumaatayee nolosha qalqalooca keentay ha filan qandhadiyo xanuunka inaan qol madow la jiifo ha filan nabdigayga qayb yar inaan naxli kuugu qaaday ha filan qof dad kaa jeclaaday inaad qoortiisa goysay ha filan inay qoonhi gaadhay qadarin baan kuu hayaaye rajaynin qum qumaatayee nolosha qalqalooca keentay
Queue is empty
-- / --