VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Janadii ifka - Lyrics

Nafsad uu jidiinkeedu Uu yaheyba jaahaaga Kaa jeedsan kari weydey Naf u jeelan ruuxdaada Dareenadan jibaaxaaya Jismigeygan badidiisa Xasuusahan is jiidhaaya Qalbigana jiheynaaya Jidhka ruuxda mooyaane Niyadeydaa kula joogta Qalbi jecel ag joogaaga Oo raba la jaar kaaga Hadalkiyo jawaabtaada Jewigiyo macaankiisa Farxadeena jirideeda Ma wax loo dhigaa jira Farxadeena jireeda Nacabkaa jidh gubanaaya Caweysyada jaceylkeenu Janadii if weeyaane Bariirada u joogteeyo Una jixinjix laabteyda Kashan kuu jibooneysa Jimcahana kol soo booqo Hana jirin jaceylkeena U adkee bal jiridiisa Yaanu jarin namiimkeenu Xididada jaceylkeena.
Queue is empty
-- / --