VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Minyaro - Lyrics

Qalbigaad mulkidaad muraayad u tahoo Maskaxda degtey baad miirka u tahoo Adaa maankeygan maamushayoo Naftaa u mabsuudey muuqaagee Macnaha kalgaceyl mudaad i bartoo Farxada maarey baad masuul ka tahee Marxaba laabteydan mudan tahee. Adaa malabkiyo ka roon miskigoo Sidii midhahaad macaan badan tahee Hadaad marwo uun mar ii noqod leyd Miyaan minyaroba miciin bidayaa. Adaa ugu mudan marley dumaroo Midabka quruxdee mariinka dhalaay Sharaftaad mulkidaa markhaatiyoo Makhluuq dhamaan tii kuu maragee. Qalbigaad mirataa muraaqoodoo Dartaa muxibada la miiraadoo Mudaba kalgaceyl la maaxanayoo Oo ani igu soo ma maaxdaa.
Queue is empty
-- / --