Heesta Yuu dhiman qabkaagu - Lyrics
qadarkiyo nasiibkuba
inkastuu nin qahar badan
nacas qoorta kuu sudho
kaa qasaartay inan nimo
wali qalanjo baad tahay
qof is dhiibay yaad noqon
qormahaad yagleeshana
midkuu calafku kuu qoray
inuu hanan inuu qubi
qiimahaaga uu qiri
carshigay ka qoran tahay
qunyar inaad qaladka diida
quman waa gartaa dhe
yuu dhiman qabkaaguye
quruxbaad u tahay gabadh
qofnimaad udhalatoo
qalbigaad ka tahay qani
dhigeedqaayo dheereey
nolol quudhi waagana
qardhaas kaaga dhigayaaye
qosol nolosha abid kaa dhe
sikastood u qarisoo
qoraal baa dhecee tidhi
qushi reerka uun wado
qayd saartay ceebaha
qalooc waa udhalashee
qudhac baad haldoor mooday
nafta qaby hadaad tidhi
hanoo qaado kaligaa
qufuloo furaha hay
qamar dhacay sidiisa
xidigaha ma gariyee
quman inaad qaladka diidaa
quman waa gartaa dhe