dadka haska waynan
inaad kali wax garad tahay
haska dhigin walaley

ruux waadi fadnaan jiray
mar baa laga wareejaa
kii shalay wacnaa
manta war waryee

anigaba wakhtiga qaar
sidii wali siraataa
warka layga guri jiray
waxse wiiqay taladii
weedeeyay raga nimo

hadaba waaga joogaa
latihiin walaaloo waji
lacaga bay dumar
wacadkaba ku iibshaan

sida wabi qulqulay iyo
waa digaa xareedii
shinbiruhu ka waabtaan

wedhaadii inan yahay
waa lagaa wareerayo
isla waynidaadunan waxa
tahay ma sheegtaan

wacdaraha aduunkan
waxa laga wareestaa
ruuxii wax garad eh

adigoon waayo arag noqon
cirka hasku waabine
naftan waalanaysa
waano kaama maqashee
hadaad maanta wacantaa
maku waari doontaa

Exit mobile version