xilahaygiiyeey xushmadiyo wanaag
midii ila xariirtaay
xanaanadii naftaydaay

xilkii waan sidaa wali
xurmaan adi kuu hayaa
xiisihii kalgacalkana
xul uun baad u tahay wali

xabiibtaydiiyeey
xanafiyo wax yeeliyo
xumaan kuuma quudhee
xakamaha adkeeyoo
xaasid yuu na kala dilin

xuural cayntiiyeey
xikmad iyo asluub
XAAKIMBAA ku siiyoo
naftaa kugu xanbaartee

xusuustiina yay gu'in
xaqdhawrban kaa rabaa
xeerkii jacaylkana
xiska yuu ka bixin abid

Exit mobile version