VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ayaan - Lyrics

Ayaanay indhuhu heedhe Aday kugu nastaan kowdhe Adaa uurkan iyo maanka Ayaanay kunool huuno Afkayguna amaantaada Inuu tiriyo dayn maayo Adaan ubaxyo kuu beeray Asaagana kaa soocday Adaan kuu irmaanaday Adigaa ayaanay iftiiniyo ilayseey Adigaan ishaarooy ugbaadiyo udgooney Adigaan aduunyada aadmiga kuwada nool kaa aminaayoo Waabad igu wayntahay Ayaanay dayaxu nuurka Xidiguhu ku tabiyaaye Adiguna xaqiiqdayda Adaan kuu sharaxayaaye Aduunyadaa intaad joogtaad Idilkood haweenoo dhan Ooridaydii noqotee Naftu ku ogolaatoo Adaan kuu irmaanaday
Queue is empty
-- / --