VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dajiya - Lyrics

Intuu damac igu habsado Miyaan daadihin mid kale Anoo kuu waba daryeel Adoon dajiyaay i dhibin Miyaan dumar kale hamiyi Adoon docna igu banayn Darmaan kale seen u tabi Agtaada hadaan ku dagay Miyaan darmo kale xamili Qalbigan kuu daacada ah Haduu afar qaadi karo Adaan kuu dooray kali Dawooy maankiyo wadnaha Ku daashoo labadaboo Si aan ruux kuula dagin Qalbiga daranyada ka dhawr Raaliyo nina kama durkee Hadaad ii dabacsantay Miyaan daydayi mid kale Qayrkaa intaan soo dalbado Da'daa kula guursan adi Adoon marna ii darnaan Marna ii darnaan Daldoorso miyaan is odhan Damiirkii kuu bogiyo Dadnimadii maan xawilin
Queue is empty
-- / --