VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samir - Lyrics

naftaydaay samirka badi sad weeyaan lagu nimcaystee adoon salfudaydka doorbidin waa sade dulqaadkuye saadaasha wanaagga filo waxaad rabtayoo kuseegay sadriga tabayee uheellan marbaa qushi lagu sabaaye talada rabigaaga saaro sahanka noloshiyo waqtigaa saluugga dhexdooda yaalliyo adoon u sadqeeyn rajada sareedo inaad heshiyo samahaa kuu laaban eego tilmaamaha sugan qalbiga saxdooda ku dhiiri geli siintuuu rabbi kugu galladoo ogoow kaama suullin karoo nafaha kula siman kolleey ciddii sumcaddaada neceb dulqaad kula soco adigu hankaaga siraad u baxay dadaal baa kugu simee halkuu qayrkaa saldhigooo uraadcee samo oggoloow sahanka noloshiyo waqtigaa saluugga dhexdooda yaalliyo adoon u sadqeeyn rajada sareedo inaad heshiyo samahaa kuu laaban eego tilmaamaha sugan qalbiga saxdooda ku dhiiri geli
Queue is empty
-- / --