naftaydaay samirka badi
sad weeyaan lagu nimcaystee
adoon salfudaydka doorbidin
waa sade dulqaadkuye
saadaasha wanaagga filo

waxaad rabtayoo kuseegay
sadriga tabayee uheellan
marbaa qushi lagu sabaaye
talada rabigaaga saaro

sahanka noloshiyo waqtigaa
saluugga dhexdooda yaalliyo
adoon u sadqeeyn rajada
sareedo inaad heshiyo
samahaa kuu laaban eego
tilmaamaha sugan qalbiga
saxdooda ku dhiiri geli

siintuuu rabbi kugu galladoo
ogoow kaama suullin karoo
nafaha kula siman kolleey
ciddii sumcaddaada neceb
dulqaad kula soco adigu

hankaaga siraad u baxay
dadaal baa kugu simee
halkuu qayrkaa saldhigooo
uraadcee samo oggoloow

sahanka noloshiyo waqtigaa
saluugga dhexdooda yaalliyo
adoon u sadqeeyn rajada
sareedo inaad heshiyo
samahaa kuu laaban eego
tilmaamaha sugan qalbiga
saxdooda ku dhiiri geli

Exit mobile version