Asliyeey udgooneey hahaa
Iftineey ilaysiyo hahaaa
Ubaxeey ugbaadey hahaa
Idileey ilwaadeey hahaa
Anshaxeey asluubeey
Aqoon iyo afgaradeey
Aqbaleey ajiibeey
Asturaada noloshiyo
Nafta aaminkeedaay
Lalalalalaaay
Qaamuuska erayada
Amaan waxa ku qoraniyo
Inta laga ilaawayba
Adigaa istaahila haaahaa
Adigaa istaahila hoohoo

Isireey absiiniyo hahaaa
Abtirsiin wanaageey hahaa
Ixtiraam gobeediyo hahaa
Sama lagu anqariyo hahaa
Inta erayo qiimo lehe
Farxad loo adeegsado
Inaan ku idhaahday
Naftu ku istareexda
Qaamuuska erayada
Amaan waxa ku qoraniyo
Huunooy adiga istaahila
Adigaa istaahila hahaa
Adiga istaahila hoohoo

Exit mobile version