Heesta Filsan - Lyrics
filsan dheemaneey dhaladeey
dhex yareey dhaayaha u rooneey
dhooleey ma bil dhalataybaad tahay
filsaneey alaa dhaqaniyo
dhalin ALLAA dhabaniyo
sharaf kuu dhamaystirayo
dhalinyarada qayrkaayaad
ka dhex muuqataayoo
haweenkaad in dheertahay
aftirsiinta lagu dhaatana
filsaneey yaqiin dhalado
dhigaa ugu sareeyayo
ubax dheelka subaxii iyo
naxariis ku dhaashadayee
ILAAHBAA ka dhawrsoonoo
qoys dhab ahna kaa dhaliyo
marwo dhaydana kaa dhigo
dhibka guul i dheaxalsiiyee
ha iga dhicin ha iga dheeliyin
ha dhisnaado qoyskeenuye