iftiin baxaayay
ubax nuurayaya
amaan kuu huree hoo
edab waanaagsan
akhlaaq toosaney
amaan ku huree hoo
foosiya ilwaadeey
hadeed oori baa tee

anfac waalidiyo
aqbal fiicaneey
usluub iyo adeeg
arxan laga helay
ugbaad iyo udgon
la ilaashadaay
geesi uur fayowyoo
adinkiisu furanyoo
iin tiree abaanshaa
aadmiga u rooniyo
maama maama
maama ururiya
umu xaawa
asli hooyadaa
awliyaad ku nuurtee
illaahay idinkii
ayaanki samaa
illaahay idinki
aayatiin dambiyo
ubad khayr qaba hela
foosiya ilwaadey
hadeed oori baa tee

Exit mobile version