VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Galbis aroos - Lyrics

waa laba goboo way is guursadeen waa laba casabo oon ceeb lahayn gabay lagu tilmaamiyo guubaabo iyo hees ragu uma gudboonee geesinimadu waa qayb RABI gaar u bixiyoo karti lagu gudoonsado ana gaaxda maansada waxaan uga gol leeyay halyaynimo nin goostoo inuu gaadho darajada geesinimo la wada qiray liibaanbaan galbinaya gabadh gabadh gaari dhaaftoo marwo marwo guudka saartoo habeen lagu gardaadshiyo saamiya quruxbaan galbinayaa gayaan loo duceeyoo guurkooda dunidani afarteeda geesood looga sacab garaacoo xul ahbaan galbinayaa waydinkaa guulaystee arooskiin ma gaagaxoo raxmad aanan gudhin GUULE idin sii wiilal iyo gabdhaba GUULE idin sii raxmad aana gudhin GUULE idin sii
Queue is empty
-- / --