Heesta Sidaan rabay - Lyrics
sirtii nolosheen sugaayeey
nasiibkaan sahadinaayay
suleekhaay caasha bilaneey
ayaankeeni samaayoo
ALLAA inagu simay
sidaan rabay
samow saldhigii kalgacalkow
sareedaha guusha iyo
rajada suganee saxda ah
adaa farxadayda sida
ALLAA inagu simay sidaan rabay
hablaha waxaan kaaga soocday
asluubtiyo edebta suuban
sinjiga wacaneed ka dhalatee
waxaan raga kaaga soocday
sargoyntiyo hadalka toosan
sooraysiyo garashadaada
sifaha geesi lagu yaqaano
siduu RABI kuugu soocay
inaad sawjadayda noqoto heeliyaalow halala heeliyaalow
maxaan subaxiyo habeen heeliyaalow halala heeliyaalow
hurdada uga soomanaa heeliyaalow halala heeliyaalow
heeliyaaloy heeliyaaloy heeliyaalow halala
inaad saygayga noqoto oo heeliyaaloy halala heeliyaaloy
maxaan u samroon ku sagayee heeliyaaloy halala heeliyaaloy
maxaan nafta kugu sasabayee heeliyaaloy halala heeliyaaloy
heeliyaalow heeliyaalow heeliyaalow heeliyaalow heeliyaalow
halala heeliyaalow halala heeliyaalow
caashaqeenii waa sal gaadhno
arooskeenii wuu siraadmaye
nasiibkeenii wuu samaadee
soo dhawaw soo dhawaw sadkaygaay
waan sal gaadhnoo waan sal gaadhnoo
waan salgaadhnoo arooskeenii wuu siraadmaye
nasiibkeenii wuu samaadaye
soo dhawaw soo dhawaw sadkaygaay
caashaqeenii waan sal gaadhnoo
arooskeenii wuu siraadmaye
nasiibkeenii wuu samaadaye
soo dhawaw soo dhawaw sadkaygoow
heeliyaalow heeliyaalow heeliyaalow halala heeliyaalow