VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Toosan - Lyrics

Todob da’ay arlada dhigay xareed Togaga buux dhaafshay Oo tiirshay laamihi dhirtoo Ubax kasoo tuuray Hoobaantu tuducyaysatoo Taxantay rooshaamo Oo bilicda taaliyo nimcada Laga tagayn waayo . Xubno toosan muuqeedanbaa Lagu tibaaxaaye Quruxdaba tusaalay u tahay Timo haldhaalayye Ka tilmaaman qayrkeed halkay Toban dhex joogtaaye Waa taajirnimadii ifkiyo Taajkii sharafeede . Allow taransan ii daa allow Aday taada noqotaaye Allow toosan ii daa allow Aday noqotaaye .......................... Tamashlaynta socodkiyo xarago Tab u dhaqaaqeeda Dhabanada labeentii ku taal Ee hanfigu taaban Waa midaan tin iyo cidhib lahayn Xubin la tuuraayo Todobaatan jeer bay indhuhu Togasho dhawraane . Ma taqaano dandaansigiyo Toocsiyo ceebe Ma tidhaahdo hadal foolxuniyo Weedh ku turuqdaaye Tartiibtiyo hidaha fiican baa Laga tixracaaye Waa tiirka noloshiyo nimcada Lagu tabcanayaaye . Allow taransan ii daa allow Aday taada noqotaaye Allow toosan ii daa allow Aday noqotaaye
Queue is empty
-- / --