VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xasiiliya - Lyrics

Xogta hadalka xiisaha Murtada xididga suugaanta Naxwahaan ka soo xulay Ayadaan kugu xadaanyadee Waana gaari xeerkeed Inaan kugu xariir ahay Xilkasnimyo alaa kuu dhalshiyo Garasho xeel dheer leh Sida xuural cayntii janada lala xayaadaay Xafidaay xasilaay Naftaad xiiso galisaayee Kaftan aan xajiin iyo Lahayn weer ku xaganeesaa Oo ruux xalaaleesay Baad ku xaragootaayee Qalbi xaaran baad leedahiyo Laab xaruuriyo eh Alla geenyo lee Alle geenyo ugabee naftaa xiiso galisaa Sidii xaawo iyo aadanbaa laysku keen xulayee Xarafyada Quraankiyo Docaan kugu xijaabaayee Ku xamdiyay ilaahay Xukamay xulashadaadiyee Inta xaawalay dumar Wanaag lagu xasuusnaado Xasnadaay Haboonee Adaan kugu xsihmeeyaa Isha xaasidiintiyo Naxliga kuma xumeeyaanee Kaftan aan xajiin iyo Lahayn weer ku xaganeesaa Oo ruux xalaaleesay Baad ku xaragootaayee Qalbi xaaran baad leedahiyo Laab xaruuriyo eh Alla geenyo lee Alle geenyo ugabee naftaa xiiso galisaa
Queue is empty
-- / --