Xogta hadalka xiisaha
Murtada xididga suugaanta
Naxwahaan ka soo xulay
Ayadaan kugu xadaanyadee
Waana gaari xeerkeed
Inaan kugu xariir ahay

Xilkasnimyo alaa kuu dhalshiyo
Garasho xeel dheer leh
Sida xuural cayntii janada
lala xayaadaay
Xafidaay xasilaay
Naftaad xiiso galisaayee

Kaftan aan xajiin iyo
Lahayn weer ku xaganeesaa
Oo ruux xalaaleesay
Baad ku xaragootaayee
Qalbi xaaran baad leedahiyo
Laab xaruuriyo eh
Alla geenyo lee
Alle geenyo ugabee
naftaa xiiso galisaa

Sidii xaawo iyo aadanbaa
laysku keen xulayee
Xarafyada Quraankiyo
Docaan kugu xijaabaayee
Ku xamdiyay ilaahay
Xukamay xulashadaadiyee

Inta xaawalay dumar
Wanaag lagu xasuusnaado
Xasnadaay Haboonee
Adaan kugu xsihmeeyaa
Isha xaasidiintiyo
Naxliga kuma xumeeyaanee

Kaftan aan xajiin iyo
Lahayn weer ku xaganeesaa
Oo ruux xalaaleesay
Baad ku xaragootaayee
Qalbi xaaran baad leedahiyo
Laab xaruuriyo eh
Alla geenyo lee
Alle geenyo ugabee
naftaa xiiso galisaa

Exit mobile version