Yartu Boqorodiyo
Ma bil dhalatay baa

Gacankani badda cas
Beelaha dagaiyo
Bulsho sharaf lehiyo
Ale ka beerayoo
Bartamaha jabuutee
Ku barbaartayee
Yartu Boqorodiyo
Ma bil dhalatay baa

Waa mid baariyoo
Qurux loo burshoo
Basar iyo asluub
Isku darsatoo
Bilastaba dhamaan
Ugu bilan hablaha
Yartu Boqorodiyo
Ma bil dhalatay baa

Mid barakeesan weeye
Aabahaeed baasho weeye
Hooyadeed bilan weeye
Geenyadii bureeqo weeye

Yartu Boqorodiyo
Ma bil dhalatay baa

Geesi loo bagoo
Boqor kuu qoroo
Boqol geel eh iyo
Baartankii
Bunbuntii habalaha
Laga baxin jiroo
Dabal ugu baxshoo
Aroos fiican weeye
Doco baacad waayn
Lagu bala xijaab

Aroos fiican weeye
Abtirsinka ka buuxo weeye
Farxad wada buuxdo weeye
Barwaaqo iyo barisamaa
Ayaan kugu beegnee

Exit mobile version