Sanadahaan aduunyadu
Sakiin weeye caashaqu
Sak hadduu ku siiyana
Seedahuu ku gooyaa

Socdaal baan
Dunnida ku so maray
Nasteexaay daraada
Indhaha maan saarin
Suuradaada oo kale

Haddi aan sir qaado hadalka
Waxaad iila simantahay
Saxansaxada roobkiyo
Subaxdii ciida
Dadku  isa salaamaan

 

Nasteexaay daraadaa
Maxaan salalay leelkii
Maxaan saacada eegayoo
Maxaan seegay seexashada

Hayeeshee salaadii
Markaa sugay sajuuda rabbigee
Adoon sahanka kuula marin
Sahanka iima toosee

Haddi aan sir qaado hadalka
Waxaad iila simantahay
Saxansaxada roobkiyo
Subaxdii ciidana
Dadku  isa salamaan

Exit mobile version