Heesta ololal jacayl - Lyrics
Adaan kuu olalayaaa
Adaan kuu oon qabaa
Adaa arimada jacayl
Uurkayga ku beerayee
Aboowoow miyaadan ogeeyn
Inaan oontii ka go'ay
Aboowoow miyaad ogeeyd
Inaan hurda aawadaa
Ayaamahan seexanoo
Waliba waan kuu ilmaynayaa
Anigu kuu ilmaynayaa
Ugubeey waa layaab
Waa layaab
Miyaadan abaal lahayn
Miyaadan ixsaan aqoon
Oo miyaadan insaan aheeyn
Oo ilaahay yaad ka baqaneeyn
Adaan ku ishaartayoo
Adaan axdi kula galoo
Adaan uumigii cishqiga
Naftan ku asqaynayee
Aboowoow miyaadan ogeeyn
Inaan oontii ka go'ay
Aboowoow miyaad ogeeyd
Inaan hurda aawadaa
Ayaamahan seexanoo
Waliba waan kuu ilmaynayaa
Anigu kuu ilmaynayaa
Ugubeey waa layaab
Waa layaab waa layaaaaab
Miyaadan abaal lahayn
Miyaadan ixsaan aqoon
Oo miyaadan insaan aheeyn
Oo ilaahay yaad ka baqaneeyn