VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta qooleey - Lyrics

Qayaanadii kufaartoo Qaban rabay islaamkoo Qashqashaayay diintoo Qalbku affeysnaa Hadduu nabigu qowl galay Qayladiyo jihaadkii Adiga ka qariyee Qiro laguma dhaamee Qolleeyahay qaystaleh Qabarkaygan qaadoo Qunyar sara uduuloo Qofna ha iga leexinee Inankii qumanaa Qolkuu seexdo ugee Ruuxaan qalab lahayn baa Libaax quuro ugu yimid Markuu qaaq kusoo dhaho Qalbigu ma nagaadee Adduunyadan qasaariyo Qaboow iyo qaneecaad Hadba wixii i qaabila Waan qaadanayaa Qolleeyahay qaystaleh Qabarkaygan qaadoo Qunyar sara uduuloo Qofna ha iga leexinee Inankii qumanaa Qolkuu seexdo uge
Queue is empty
-- / --