Qayaanadii kufaartoo
Qaban rabay islaamkoo
Qashqashaayay diintoo
Qalbku affeysnaa
Hadduu nabigu qowl galay
Qayladiyo jihaadkii
Adiga ka qariyee
Qiro laguma dhaamee

Qolleeyahay qaystaleh
Qabarkaygan qaadoo
Qunyar sara uduuloo
Qofna ha iga leexinee
Inankii qumanaa
Qolkuu seexdo ugee

Ruuxaan qalab lahayn baa
Libaax quuro ugu yimid
Markuu qaaq kusoo dhaho
Qalbigu ma nagaadee

Adduunyadan qasaariyo
Qaboow iyo qaneecaad
Hadba wixii i qaabila
Waan qaadanayaa

Qolleeyahay qaystaleh
Qabarkaygan qaadoo
Qunyar sara uduuloo
Qofna ha iga leexinee
Inankii qumanaa
Qolkuu seexdo uge

Exit mobile version