xaq weeyaan salaantuye
sad weeyaan jacaylkuye
waxa salalka keeniyo
sasku waa dhibaatee

siraadkii makaadiyo
quruxdii suleekhaay
waxaan kuu sidaayoon
ha saydhinin ku leeyahay
u jeedada aan ku saaray
inakoo wada siman

waxaan ahay sin dheeroo
sanadkana timaha dabay
hasaawahaana salkiisiyo
ma aqaan siduu yahee

ha soo socone iga joog
sinikhsigana iga daa
ha salaago naaskiyo
suuradayda quruxdiyo
xaajaduna sideedaba
waa salo la yaabliyo
saqandhii libaaxe
qunyar socodku kuu roon

saranseer ku gaadhiyo
silic kuma bidaayoo
sahankaygu waa guul
sama iyo wanaag lee

sabaalaynta sheekada
adaan kuu sifeeyoo
waxaan kuu sidaayoon
ha saydhinin ku leeyahay
u jeedada aan kuu saaray
inagoo wada siman
aynu wada sacabo tumane
ha saluugin waayahay

sadada iyo raaxada
siiyaa ma sheegte
RABIbaan ka sugaya
sababtuna waxay tahay

tidicayga soohani
sahal kuma furmaayee
sal fudaydka ha i baran
qaali weeye samirkuye
waxba ha i sasabanoo
sarbeeb aan arkaayiyo
sunta ha ila gaadine
qunyar socodku kuu roon

Exit mobile version