Ha qayirin naftaadoo
Ha qubine ilmada daa
Ha ka quusan noloshoo
Ha qorshaysan geerida
2x

Waxa jira qalbiyo kale
Oo kuu qalmuun badan
Haw u qaadan ruux qudha
Inuu yahay ka kuu qoran
Haw u qaadan ruux qudha
Inuu yahay ka kuu qoran
2x

Qoomaha jacaylkiyo
Ha qarsanee dhibaatada
Qoomaha jacaylkiyo
Ha qarsanee dhibaatada
Ha lagaa qoree buug
Qisadaada noo sheeg
Ha lagaa qoree buug
Qisadaada noo sheeg
3x

Ha qiimeyn wixii tagay
Ha ka qarin timaadada
Ha qiiroonin abidkaa
Qadar weeye ee samir
2x

Qaxarkiisa caashaqu
Kaligaa kumuu qaban
Waxa jira dad kula qaba
Qaar kaaba sii daran
Waxa jira dad kula qaba
Iyo qaar kaaba sii daran
2x

Qoomaha jacaylkiyo
Ha qarsanee dhibaatada
Qoomaha jacaylkiyo
Ha qarsanee dhibaatada
Ha lagaa qoree buug
Qisadaada noo sheeg
Ha lagaa qoree buug
Qisadaada noo sheeg
3x

Exit mobile version