inanyahay hoodiyo
waxa jira hanaan
la isku haybiyee
anoo kuu hanwaynn
amaad hagar fashaayoo
i hareer martaa
ma ogtahay hurdada
habeenkoo badhkii tagay
inaan kugu hadroo
laykaa hor dhigo
sidaan kaaga helay
kuguu heelanahay
adna hagar la,aan
nafta ii huroo
hawaawiga kalgacal
iiga hiiliyo
hungo yaan la noqon

inanyahay adoo i hanwayn
hadaan jacayl kaa hagrado
hilin kaaga tago
haba lay hadhee
nabsi hay hadhsado
hada iyo qalbiga
anoon kala hamaynin
hanatoo naftooo
hanti kaaga dhigay
sidaan aad hilaaciyo
ama hogol daruur da,aysa a
ishu halacsigaaga
kama soo hadhaan
haybad quruxsaneeey
ha iga filaan inaan cidlo kaaga hadho

Exit mobile version